Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo booqday xarunta Ergada Joogtada DFS ee OIC

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo howla shaqo u joogay dalka Sacuudi Carabiya ayaa halkaas ku booqday  Ergada Joogtada Dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhida Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Magaalada Jidda,

Wasiir Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) waxaa xarunta kusoo dhaweeyay Ergayga Joogtada DFS u fadhiya OIC Dr. Ibraahim Adem Muuse, Diblomaasiyiinta iyo Hawl wadeenadda Ergada OIC.

Ergayga Joogtada ayaa si faahfaahsan Wasiirka uga warbixiyay xogta iyo shaqada Ergada OIC ay qabato,  isagoo usoo bandhigay Hanaanka howlaha xafiiska Ergada iyo wada shaqeynta dhow ee la leedahay Ergooyinka dhigooda ah iyo Xaruunta dhexe ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wasiiru Dowlaha ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan iyo sidda hagar la’aanta ah ee Diblomaasiyiinta Ergada OIC ugu Adeegayaan Dalka Kuna bogaadiyay in ay sii laba jibaaraan shaqada Qaranka Soomaaliyeed ay u hayaan.