Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha oo shir guddoomiyay Shirka Amniga Caasimadda

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa oo uu waheliyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Sareeya Guuto Sulub Axmad firin ayaa shir gudoomiyey shirka Dardargalinta amniga caasimada
<span;>waxaana shirka kasoo qayb galay Saraakiisha kala duwan ciidamada amaanka .

Kulanka ayaa ujeedkiisu daarnaa dardar galinta howlaha amniga caasimada wada iyo wada shaqaynta ciidamada amaanka .
Ugu horayntiina Waxaa warbixin laga dhagaystay  Taliyaha qaybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahadi i Sido kale waxaa  dhagaystay Taliyayaasha qaybaha gobolka banaadir Saraakiisha Ciidamada Boliis militara iyo ciidanka aan muuqan ee Nisa .

Intaasi ka dib waxaa laga hadlay dhacdooyinkii udambeeyey ee ka dhacay caasimada iyo sida ciidanku uga hortageen Falal Amni darro oo ay Damacsanaayeen Khawaarijta Arxanka Daran ee Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Sareeya Guuto Sulub Axmad firin ayaa si gaara u amaanay Ciidamada kala duwan ee Amaanka oo uu sheegay in ay Hayaan shaqo aad culus waxa uuna Wasiiru dowlaha Amniga gudaha la wadaagay Waxqabdkii u qabsoomay ciidamada amaanka sidoo waxa uu faray saraakiisha amniga in ay sii laba jiraan shaqada ay u ahayaan bulshada .

Gabagabadii shirka waxaa soo xiray wasiiru dowlaha amniga gudaha mudane maxamed cali xagaa waxa uuna sheegay in ay muhiim tahy in kor loo qaado amniga caasimada iyo nawaaxigeeda oo isbadal wayn laga dareemay maalmihii lasoo dhaafay .