Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo daah-furay shirka wada-hadalka dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta furay shirka wada-hadalka dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaraddu kaas oo ay iska kaashanayeen hay’adda DAI sidoo kale uu taageeray Midowga Yurub, waxaana diiradda lagu saaray siyaadaha la xidhiidha Ganacsiga, Siyaasadda Ganacsiga yar-yar iyo kuwa dhaxe iyo weli ba siyaasadda horumarinta Warshadaha kuwaasi oo muhiim u ah dedaalada lagu doonayo inay Soomaaliya kaga qeyb-qaadato suuqyada ganacsi ee gobalka iyo kuwa Afrika.

Shirkan oo sidoo kale uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga, Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, Ururada Bulshada, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay hadafka shirkani uu yahay sidii loo dar-dar-galin lahaa isfahamka ka dhaxeeya Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed si loo horumariyo Ganacsiga dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheryraadka Badda XFS Mudane Maxamuud iyo Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdirixmaan Galaambi oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dhankooda ku faraxsan yihiin inay Wasaaraddu Ganacsigu hoggaamiso barnaamijka oo ay xuseen inuu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dhaqaalaha dalka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Shiikhuna Maye oo ugu dambayn shirka furay ayaa xusay In barnaamijkan uu qeyb ka yahay dib u habeynta ganacsiga Soomaaliyeed oo ay wasaaradu waday mudooyinkii dambe, waxaana uu carabka ku dhuftay in ujeedkiisu yahay ganacsiga Soomaaliya la lee dahay qaaradda Afrika isla-mar-ahaantaana loogga qeyb-qaadan lahaa dedaalada socda ee is-dhex-galka dhaqaale iyo weli ba Aaga Ganacsiga Xorta ee Afrika.