Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Maxamed Aadam Macallim (Soomaali) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Ahmed Moallin Hassan.
Mas’uuliyiintan ayaa warbixin ka dhegaystay kooxaha farsamada ee gacanta ku haya diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026, taas oo ay Wasaaradda Qorsheynta muddo lixdan maalmood ah si qorsheysan uga waday ururinta, xaqiijinta iyo falanqaynta xogta waxqabadka Wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda iyada oo kaa shaneysa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa mas’uuliyiinta si faahfaahsan ugu sharraxay hannaanka ay Wasaaraddu u waddo diyaarinta warbixinta, isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah la siinayo saxnaanta xogta, caddeymaha la xiriira waxqabadka iyo xaqiijinta macluumaadka laga helayo hay’adaha dowladda.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyey dadaalka ay Wasaaradda Qorsheyntu waddo iyo hannaanka nidaamsan ee loo marayo diyaarinta warbixinta, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo warbixin qaran oo sax ah, dhammeystiran oo ku saleysan xog iyo caddeymo la xaqiijiyey.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay in waxqabadka hay’adaha dowladda si hufan loogu diiwaangeliyo warbixinta, si ay uga tarjumto natiijooyinka, horumarka iyo waxqabadkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya muddadii 2022–2026.
Wasiirka Qorsheynta ayaa bogaadiyey shaqada ay wadaan kooxaha farsamada, isagoo ku adkeeyey inay ilaaliyaan tayada, saxnaanta, hufnaanta iyo isku-halleynta xogta, si warbixinta qaranku u noqoto dukumenti rasmi ah oo si dhab ah uga tarjumaya waxqabadkii Xukuumadda DanQaran muddadii afarta sano ahayd.
Ugu dambeyn, Wasiirka Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax ayaa faray kooxaha farsamada inay dardargeliyaan hawlaha harsan ee ansixinta xogta, tafatirka iyo dhammaystirka warbixinta, si loo xaqiijiyo in dukumentiga kama dambaysta ahi noqdo mid tayo leh, la isku halleyn karo, isla markaana si hufan uga tarjumaya waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya muddadii 2022–2026.








