Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Arrimaha Gudaha ee XFS oo ka wada hadlay doorka shaqo ee ay wadaagaan

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda XFS, Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo ay wehliyeen Maareeyaha iyo Maareeye-kuxigeenka Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha.

Labada Wasiir ayaa waxay ka wada hadleen doorka shaqo ee ay wadaagaan iyo sida ay iskaga kaashan lahaayeen hawlaha Xukuumadda DanQaran u leh hortebinta iyo qaybaha ay u xilsaaran yihiin in ay iska kaashadaan.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda XFS, ayaa sheegay in waxyaabaha la iska kaashanayo oo dadweynaha loogu adeegayo ay ka mid yihiin in bulshada lagu gaarsiiyo adeegga aqoonsiga sida ugu sahlan, iyadoo la daboolayo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

“Adeegga Aqoonsiga dadweynaha hirgelintiisa iyo horumarintiisa waxaa tiir u ah isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale sugidda amniga isgaarsiinta uu aqoonsigu lafdhabar u yahay”.