Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo dad shacab ah kula ciiday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda DanQaran, xildhibaano iyo masuuliyiin ka socday gobolka Banaadir ayaa la ciiday Shacabka Degmada Dayniile.

Wasiirada, Xildhibanada iyo masuuliyiinta tagay degmada Dayniile ayaa shacabka la qeybsaday farxadda maalintan barakeysan iyaga oo ku dhiirrigeliyay xoojinta midnimada, nabadda iyo xasilloonida dalka.

Masuuliyiintan ayaa kormeer ku sameeyay daafaha iyo xaafadaha degmada,iyaga oo warbixino ka dhagaystay saraakiisha amniga u xilsaaran iyo Shacabka degan meelaha ay kormeereen.