Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray isbitallada ay maamusho dowladda Soomaaliya

Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa horray xubo Wasiiro ah ugu xilsaartey ilaalinta iyo kor joogteynta ka warqabka isbitaallada ay dowladdu maamusho, iyadoo laga duulayo ajandaha Xukuumadda Dan-Qaran ayaa la go’aamiyey inay waajib tahay in bukaanadu helaan adeegyada ay u baahan yihiin iyo ilaalinta tayada adeegga caafimaad ee isbitalada.

Wasiirrada ayaa kormeer iyo qiimayan ku sameeyey dhamaan qaybaha kala duwan ee ay ka kooban yihiin isbitaalada ay dowladdu maamusho ee Muqdisho ku yaalla, iyagoo u kuurgalay xaalada caafimaad ee bukaanada yaalla isbitaalada iyo sida loogu adeegayo.