Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ukraine oo ku dhintay shil diyaarad

18 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Dalka Ukraine iyo laba carruur ah, ayaa dhintay ,kadib kolkii diyaarad helikobter ah oo ay la socdeen ay ku burburtay duleedka caasimadda Kyiv.

Madaxa booliiska qaranka, Igor Klymenko ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen wasiirkii arrimaha gudaha Denys Monastyrsky iyo  dhowr sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha .

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa ka shaqaynaya samata bixinta carruurta iyo shaqaalaha ka dib shilkii ka dhacay meel u dhow Brovary, gobolka Kyiv.