Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta la yeeshay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo laga duulayo hiigsiyada horumarineed ee Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP).
Kulanka oo saldhig u ahaa ka dhabeynta qorshayaasha dhaqaalaha wax-soosaarka kheyraadka xoolaha ee ku asteysan Qorshaha isbedelka Qaran, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo Hay’adda UNDP Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga farsamo, horumarinta sektorka xoolaha iyo taageeridda wax-soo-saarka xoolaha.
UNDP Soomaaliya waxay wada-shaqeyn muddo dheer soo jirtay, oo ku saleysan horumarinta bulshada, kobcinta fursadaha nololeed iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo sektorka xoolaha, la leedahay Wasaarada. Taas ayaan sahli karta in guul laga gaari karo qorshayaasha aan kor kusoo xusnay.






