Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo xarigga ka jaray xarumo cusub oo laga hirgeliyay Dekedda Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) oo uu wehliyay Wasiirka Dekadaha XFS mudane, C/llaahi Axmad Jaamac Ilkajiir ayaa maanta xarigga ka jaray xarumo cusub oo ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ka hirgelisay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Xarumahan oo kala ah Sheybaarka dhexe ee Xoolaha, qeybta shahaado bixinta, xarunta dhexe ee Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo inta aan laga dhoofin Dekadda ayaa waxaa maalgeliyay Bangiga horumarinta Afrika, waxana fulisay hey’adda Save the Children.

Dhinaca kale, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane C/llaahi Axmad Jaamac Ilkajiir ayaa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku bogaadiyay hirgelinta xarumahan muhiimka ah, wuxuuna rajo ka muujiyay in goor dhow Dekadda Muqdisho laga billaabo dhoofinta xoolaha nool ee Dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka xanaanada xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XfS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa  sheegay in xarumaha la dhisay ay wax badan ka tari doonaan horumarinta dhoofka xoolaha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.