Wasiirka xanaanada xoolaha oo Rome kula kulmay madax ka tirsan hay’adda FAO

Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa dowladda FS mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo safar shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa la kulmay madaxa horumarinta xoolaha iyo Wax-soosaarkooda ee hay’adda FAO waxeyna ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa caafimaadka Xoolaha, hagaajinta Calafka iyo cuntadooda.

Sidoo kale waxey ka wada Hadleen labada dhinac hagaajinta caafimaadka mideysan ( One Health) iyo sidii loo dardar-galin lahaa wax ka qabashada waxyeelada Cimilada saameynta ku leh Xoolaha iyo wax soo-saarkooda.