Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa maanta kulan la qaatey safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.
Kulankan ayey Wasiirka iyo Safiirka uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada Dal ee arrimaha Xoolaha iyo tayeyntooda, gaar ahaan dhoofinta Xoolaha Nool iyo Hilibkooda iyo sidii suuq geyn loogu sameyn lahaa Xoolaha Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa Safiirka uga warbixiyay dadaallada ay Wasaaraddu ku bixiisay xanaaneynta Xoolaha, ayna diyaar u tahay sidii Xoolaha Dalkeenna loogu dhoofin lahaa Boqortooyada Sacuudiga.
Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo isdabajooga oo sare loogu qaadayo xoolaha loo dhoofinayo Dalalka Khaliijka oo ay Boqortooyada Sacuudiga ugu horeyso.