Wasiirka Waxbarashadda,Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya Mudane Cabdulaahi Abuukar Xaaji (Cabdulaahi Carab), ayaa magaaladda Kismaayo Xarunta KMG ee dowlad Goboleedka Jubbaland ka furay shirka dib-u-eegista Arrimaha Waxbarashadda ayna kasoo qeyb galeen Wasiirada Waxbarashadda Dowlad Goboleedyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshadda Dowladda Federaalka ee Soomaliya, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarshadda Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasi oo looga hadlayo horumarinta Waxbarashadda. gaar ahaan dhismaha laba-gudi oo muhuim u ah waxbarashada, kuwaasi kala ah 1. Gudiga qaran ee imtixaanaadka iyo 2. Gudiga Qaran ee maareynta iyo hormarinta manhajka Waxbarashadda.
shirkaas oo ay ka soo baxeen go’aamo muhiim ah.
Shirkan ayaa daba socda shir ay dhawaan ku yeesheen wasaaradda waxbarashada federaalka iyo Wasaaradaha waxbarashada ee Dowlad goboleedyadda dalka kaasi oo ka dhacay Magaaladda Goroowe ee Caasimada Puntland, 12 Luulyo ee Sanadkaan 2021, shirkaas oo ay ka soo baxeen go’aamo muhiim ah.
Shirkaan ayaa wejigiisa Sedexaad waxaa marti-galin doona Dowlad Goboleedka Gamudug, waxaana looga hadli-doona masiirka adeega waxbarasho ee loo haayo shacabka soomaaliyeed.