Wasiirka waxbarashadda ee XFS oo soo xiray shirka wadatashiga Qaran ee sameynta sharciga illaaalinta goobaha Hidda-dhaqanka

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa soo xiray shirka wadatashiga Qaran ee sameynta sharciga Ilaaalinta goobaha Hidda-dhaqanka iyo goobaha Dabiiciga ah, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen mas’uuliyiin kala duwan iyo marti ka kala timid Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Wasiirka Waxbarashadda mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo hadal ka jeediyay munaasabda xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee Sameynta Sharciga Ilaaalinta goobaha Hidda-dhaqanka, ayaa tilmaamay in wasaaaradda waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, ay ka go’an tahay horumarinta iyo ilaalinta Hiddaha iyo dhaqanka Dalkeenna, ayna dadaal badan galin-doonto dhowristiisa si ay u dhaxlaan jiilasha innaga danbeeya ee dadka Soomaaliyeed.