Wasiirka waxbarashada Soomaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir caalami ah kaga qayb galay dalka Faransiiska

wasiirka Waxbarashadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Faransiiska magaalo madaxdiisa paris kaga qayb galay shirka Caalamiga ee isbedel horumarinta waxbarshada caalamka.

Shirkan oo ka dhacay Xarunta UNESCO ayaa intii uu socday waxay Wafdiga Soomaliya kulamo gooni gooni ah la qaateeen wufuudii kala duwanad ee kasoo qayb gashay,Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa u bandhigay wufuudaha kala duwan Barnaamujyada Hortebinta u leh wasaaradda waxbarashada ee lagu horumarinayo Waxbarshadda Soomaliya.