Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo soo xiray Shirka Wadatashiga Waxbarashada dalka

Wasiirka  Waxbarasha, Hiddaha iyo Tacliinta sare XfS, Mudane. Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji, ayaa soo xiray Shirka Wadatashiga  Waxbarashada iyo  Diyaarinta  qorshaha Waxbarashadda ee Shanta sano ee soo socota (5 Sano), kaasi oo ay kasoo qeyb galeen- Agaasimaha guud ee WWHTS , Dowladda Federaalka,  mudane Mohamed Abbi Hassan iyo agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan iyo lataliyeyaasha Sare ee  WWHTS.

Wasiirka Waxbarashadda ayaa ku amaaney khubarada Soomaaliyeed ee kasoo  shaqeeyey diyaarinta qorshahan kaalintooda naf hurnimo, asiga oo uga mahad celiyay qof kasta doorka ow ku lahaay diyaarinta qorshah Waxbarashada dalka kuwaasi oo isagu jiray, Khubaro Soomaaliyeed, Shaqaalaha Wasaaradda, Ururuada Waxbarashadda, Bahwadaagta Caalamiga ah ee taageera waxbarashadda Soomaaliya iyo guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed ee ku biiriyayay aragtiyada Saliimka ah.

Diyaarinta qorshahaan ayaa soo socday Janaayo 2021, ilaa feebaraayo 2022, ayaa la-tashiyo kala duwan lagala sameeyay Dowlada goboleedyada iyo guud ahaan bahd Waxbarashadda, ayada oo lasoo bandhigi doono dhamaadka bisha Maarso ee Sanadkaan.