Tunis : Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka guud ee Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, ayaa ka qeybgalay shirka Ururka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Carabta (ALECSO) oo ka dhacay magaalada Tunis ee Cassandra dalka Tuunis.
Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen wasiirro iyo xoghayayaasha Guddiyada waxbarashada dhaqanka iyo tiknaloojiyada, oo ka socday dalalka Carabta ayaa diiradda lagu saaray:
– Iskaashiga iyo wada shaqeynta dalalka Carabta ee dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, iyo cilmiga.
– Xoojinta awoodda ALECSO si loo fuliyo mashaariic muhiim ah oo la xiriira dhaqanka, waxbarashada, iyo daraasaadka cilmiyeed.
– Kordhinta taageerada dhaqanka iyo hubinta in siyaasadaha dhaqanka ay ka qeyb qaataan horumar waara iyo is-dhexgal bulsho.
Ka qeybgalka Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato iskaashiga Dalalka Carabta ee dhinacyada waxbarashada, cilmi-baarista, iyo kobcinta dhaqanka, si loo horumariyo jiilka cusub ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Carabta.