Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa la kulmay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa la Kulanka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo go’aaminta Jadwalka Habraaca diyaarinta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.
Wasiirka ayaa Guddiga warbixin guud ka siiyay howlaha baaxadda leh ee horyaalla , waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshayaasha u degsan, wuxuuna wasiirka si gaar ah xubnaha guddiga faah-faahin uga siiyay Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka, Guddiga tacliinta sare ee dalka iyo sidoo kale hab raacyada ay ku imaanayo xubnaha Guddiga Tacliinta Sare.
Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahdcelisay xubnaha ka socday wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare,waxanay sheegtay in ay guda geli doonaan diyaarinta Akrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.