Wasiirka Wasaardda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS oo kulan la qaadatay madaxa barnaamijyada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Women Marwo Rukia Mohamed.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa islamarkaana loo dardar gelin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adda UN-Momen iyo Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS, gaar ahaan arrimaha la xiriira hormarinta Arrimaha Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa uga mahad celisay hay’adda UN-Woman taageerrada iyo wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS ayadoo dhinaca Kalena ay xubnaha ka socday hay’adda UN-Woman bogaadiyeen sida dardarta leh ee ay ku socdaan shaqooyinka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS Maxamed Bashiir Cumar ayadoo kulankan uu qeyb ka yahay kulamo lagu sii dardar gelinayo shaqooyinka Wasaaradda oo ay madaxda Wasaaraddu la qaadanayaan hay’adaha wada shaqeynta dhow la leh Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka.