Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo ay Wehliyaan Maamulka Dgmada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul goboleedka Galmug ayaa kormeeray halka uu marayo mashruuca balaarinta xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada oo ka koobnaan doona dhisme dhowr dabaq ah, kaasi oo xafiisyo u noqon doono howl wadeenada iyo Masuuliyiinta Wasaaradda.

Mashruucan oo horaantiii sanadkan uu dhagax dhigey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa todobaadkan si rasmi ah loo bilaabey, iyadoo haatan lagu guda jiro baneynta dhulkii hore u ahaa xafiiska Gobolka ee Wasaaradda maaliyadda halkaa oo laga rarey Qoysas daganaa sida uu sheegay gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa uga mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatey suuragalinta bilaabashada mashruucan oo wasiirku sheegay in uu qayb ka qaadan doono tayada Waxbarashada Galmudug iyo bilicda Caasimada.

Mashruucan lagu dhisayo xafiistada Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa ee deegaan rasmi ah loogu yagleelo mid ka mid ah Wasaaradda Galmudug.