Muqdisho(Wargeyska Dalka)–Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa rasmiga ah ee Facebook ku faahfaahiyay aragtidiisa ku aaddan xiriirka Diblomaasiyadeed, isbeddellada Siyaasadeed iyo Mas’uuliyadda Hoggaaminta Dowladnimo.
Wasiirka ayaa xusay in Xiriirka Caalamiga ah iyo Siyaasadda uusan jirin mabda’ guud oo faraya Dowladaha inay yeeshaan Cadow aan isbeddelin ama Saaxiib joogto ah oo ay mar walba u janjeeraan. Wuxuu tilmaamay in Siyaasaddu tahay hannaan ku dhisan danaha, duruufaha taagan, isbeddelka xaaladaha Adduunka iyo qiimeynta joogtada ah ee maslaxadda Qaranka.
Sida uu qoraalkiisa ku sheegay Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, “Dal shalay loo arkayay loollan ama Cadow Siyaasadeed ayaa Maanta noqon kara Saaxiib Istaraatiiji ah, halka Dal Shalay xiriir dhow lala lahaa ay berri dhici karto in la kala aragti duwanaado”, isagoo intaas ku daray in isbeddellada noocaas ahi aysan ka tarjumayn Siyaasad mabda’ la’aan ah, balse ay mararka qaarkood muujinayaan dib-u-qiimeyn lagu sameeyay duruufaha iyo danaha Qaranka.
Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay farqiga u dhexeeya falanqeynta aragtida Aqooneed iyo mas’uuliyadda maamulidda Dowladnimo, idsgoo xusay in qaar ka mid ah Dhallinyarada Siyaasadda ku falanqeeya aragtiyo aan si buuxda ugu xirnayn waaqica ay mararka qaarkood isbeddelka heshiisyada ama go’aannada u arkaan isburin ama laba-Wajiilenimo, isagoo caddeeyay in go’aannada Dowladeed lagu qiimeeyo duruufihii la gaaray, isbeddelladii dhacay iyo danaha laga lahaa.
Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in hoggaaminta Dowladnimo ay wajahdo duruufo dhab ah, cadaadisyo dibadeed, loollan Juqraafi-Siyaasadeed iyo dano isdiiddan, taas oo u baahan dabacsanaan Istaraatiiji ah iyo isku miisaamid dano, wuxuuna ku soo gabagabeeyay “in inkasta oo Siyaasaddu iyo xiriirrada Diblomaasiyadeed isbeddeli karaan, haddana danta Qaranka, ilaalinta Madax-Bannaanida iyo jiritaanka Dowladnimadu ay yihiin halbeegga ugu sarreeya ee go’aan kasta lagu saleeyo.

