Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa ka Ardayda uu usoo gabagaboobay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga 12-aad ee Dalka u rajeeyay Natiijo wanaagsan oo ay ku farxaan.
Wasiir Cabdifitaax oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Dowladda ee qayb galay dabaaldegga ayaa intaa ku daran in ay wax lagu farxo tahay Soddon Sano kadib in la arko kumanaan Arday ah iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo u dabaal degaya iyadoo aan laga baqayn Amni darro iyo dhibaato kale.
Mudane Qaasim ayaa sheegay in ay tani ka tarjumayso Wakhtigii iyo dedaalkii dheeriga ahaa ee ay bixiyeen Waaliddiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeeyay Guul iyo Natiijo wanaagsan.
Dhanka kale, Wasiir Cabdifitaax ayaa ballanqaaday in Ardayda kaalimaha hore gala laga baahin doona TV-ga Qaranka muddo Saddex Maalmood ah, laguna daabaci doono mareegaha kala duwan.

