Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS” Amniga Caasimadda ayey ka turjumeeysaa in aan Shacabka Suuqa Bakaaro Ciyaar kula daawano”

Screenshot

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa fagaaro ku yaalo Magaalada Muqdisho kumanaan Dad Shacab ah kula daawanaya Ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka, taas oo ay ku loolanayaan Xulalka Dalalka Spain iyo Argentina.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo Shacab Boqolaal ah Ciyaar kula daawanaya Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa sheegay in ay tani ka turjumeyso Amniga Caaismadda ka jira iyo sida Shacabka ugu kalsoon yihiin.

“Amniga Caasimadda ayey ka turjumeeysaa in aan Shacabka Suuqa Bakaaro Ciyaar kula daawanno”.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa yiri.”Amniga Caasimada ayaa fure u ah in Boqolaal Dadweyne ay Caawa Suuqa Bakaaraha Goob fagaara ah Ciyaarta ku daawanayaan”.

Guddoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Bashiir Cabdi Maxamed oo Degmadiisa Caawa martigelineysa Dhallinyaro iyo Waayeel xiiso u qaba Ciyaarta ayaa tilmaamay in afar Sanno Ka hor Bakaaraha Cidna Isku Aamini Jirin Caawana Madax Iyo Shacab Finalka Koobka Adduunka Ku Daawanayaan.

Shacabka Magaalada Muqdisho iyo Hay’adaha Amniga oo si wada jir oo hagar la’aan ah u shaqeeyay ayaa ku guuleystay in Amniga Caasimadda la sugo lagana dhigo meel ka caagan dilkii bareerka ah iyo Qaraxyadii ay soo maleegi jireen Cadowga Ummadda Soomaaliya ee Khawaarijta.