Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo u hambalyeysay Gabdhaha kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa si weyn ugu hambalyeysay Gabdhaha Soomaaliyeed ee Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare, iyadoo sheegtay in guushan ay farxad iyo sharaf weyn u tahay dhammaan Haweenka Soomaaliyeed.

Wasiiraddu waxay tilmaantay in Lix ka mid ah Tobanka arday ee Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka, oo ay u fariisteen in ka badan 40,000 oo Arday ay yihiin Gabdho. Waxayna sheegtay in arrintani ay si cad uga tarjumeyso kaalinta firfircoon ee Gabdhaha Soomaaliyeed ay kaga jiraan Waxbarashada iyo Bulshada.

Amb.Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay Waalidiinta Soomaaliyeed oo fahmay muhiimadda ay Waxbarashada Gabdhuhu u leedahay Bulshada, iyadoo xustay in guushan ay muujineyso miro-dhalka dadaallada lagu xoojinayo wacyiga iyo fursadaha Waxbarasho ee Gabdhaha Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiiraddu waxay Gabdhaha Soomaaliyeed ugu baaqday inay sii wadaan dadaalka iyo Waxbarashada, si ay Mustaqbalka ugaalin muuqata uga qaataan horumarka Dalka, iyadoo mar kale u dirtay dhammaan Gabdhaha guuleystay hambalyo iyo bogaadin. “Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo. Haweenka Soomaaliyeed ha guuleystaan.”