Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga heshiis is-afgarad la saxiixatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Türkiye, Marwo Mahinur Özdemir Göktaş, kaas oo ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca adeegyada bulshada iyo horumarinta siyaasadaha ilaalinta qoyska.
Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada Wasaaradood, is-weydaarsiga aqoonta, khibradaha iyo hab-dhaqannada wanaagsan ee ku saabsan horumarinta adeegyada bulshada, ilaalinta qoysaska iyo adkeynta qaab-dhismeedka bulshada, iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee qoysku ku leeyahay horumarka iyo xasilloonida bulshada.
Heshiiska ayaa sidoo kale diiradda saaraya ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, ilaalinta carruurta khataraha ka jira deegaannada dhijitaalka ah, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, daryeelka iyo baxnaaninta dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in labada dhinac ay iska kaashadaan tababarrada, shirarka, siminaarrada iyo is-weydaarsiga khubarada.
Wasiirka Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xustay muhiimadda heshiiskan uu u leeyahay horumarinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya, iyadoo adkaysay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo ka faa’iidaysiga khibradaha dalalka saaxiibka ah, gaar ahaan Jamhuuriyadda Türkiye, si loo horumariyo ilaalinta qoyska, xuquuqda haweenka, carruurta iyo qaybaha nugul ee bulshada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga khudbad ka jeedisay kulan dhinac socday Shirka COP31, kaas oo diiradda lagu saarayay sidii loo xaqiijin lahaa kala-guur caddaalad ah oo ku dhisan ilaalinta bulshada, adeegyada daryeelka iyo awood-siinta haweenka. Wasiirka ayaa khudbaddeeda ku muujisay saameynta ba’an ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ee saameeya qoysaska, haweenka iyo carruurta.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in maalgelinta la xiriirta isbeddelka cimilada ay gaarto bulshada nugul, gaar ahaan haweenka iyo qoysaska ku nool miyiga, iyadoo xustay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo barnaamijyada badbaadada bulshada iyo taageerada qoysaska ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah. Waxay sidoo kale ku baaqday in haweenka laga qeybgeliyo dejinta siyaasadaha cimilada, lana aqoonsado kaalintooda muhiimka ah ee la qabsiga isbeddelka cimilada iyo adkeysiga bulshada.






