Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga ee XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga u Jooga Soomaaliya.

Muqdisho (Wargeyska Dalka);- Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Axmed Xasan Aadan ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga u Jooga Muqdisho.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wax soo saarka Kaluumaysiga iyo in taageero xoog leh la siiyo Kaluumaysatada Soomaaliyeed si ay u xoogsadaan, kana faaiideystaan kheyraadka ku jira Baddeena.

Wasiirka Kaluumayga iyo Dhaqaalaha Buuluga XFS Axmed Xasan Aadan oo Markii uu Kulanka dhammaaday la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyey waxyaabihii uu kala hadllay Safiirka Dowladda Talyaaniga.

Wasiirka kaluumaysiga XFS ayaa Warka uu nasiiyey Warbaahinta Qaranka ku sheegtay inuu kordhay kaluunka Soomaaliya u iibgayso Suuqyada Caalamka, taasna ay tahay tallabo weyn oo lagu farxo .

Madaxda Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ay sare u qaaday Harumarinta wax soo saarka Kaluumaysiga iyo Gacansiinta Kaluumaysatada Soomaaliyeed.

 

qaabilad1.jpgqaabilad2.jpgqaabilad3.jpg