Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee JFS, Mudane Maxamed Aadam Macallim (SOOMAALI), ayaa maanta ka qayb galay Shirka Wadahadalka Caalamiga ah ee Maamulidda Caqliga Macmalka ah (AI), oo ka dhacay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.
Shirka, oo uu furay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, waxaa ka soo qayb galay Wasiirro, Madax sare oo Dowladeed, Khubaro dhanka Tiknoolajiyadda ah iyo Wakiillo ka kala socday Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.
Wasiirka ayaa madasha Shirka ka jeediyey khudbad uu ku sheegay in (AI) uu fursad weyn u yahay horumarinta adeegyada Dowladda, kobcinta Dhaqaalaha, iyo Hal-buurka, balse uu sidoo kale u baahan yahay hannaan maamul oo ku dhisan Iskaashi iyo wadajir Caalami ah.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa xusay in Dalalka soo koraya, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, ay weli wajahaan caqabado dhinaca kaabeyaasha, Tamarta, Xogta, iyo Xirfadaha (AI)-da, islamarkaana ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah. si loo xaqiijiyo in dhammaan Dalalku si siman uga faa’iidaystaan Fursadaha ay (AI)-du leedahay.
Ugu dambayn, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS ayaa xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay la shaqeyso Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta Caalamka si loo dhiso nidaam Caqliga Macmalka ah AI oo ammaan ah, lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, isla markaana u adeega horumarka waara iyo barwaaqada Bulshada.<br>Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan Caalamiga ah Oo ah markii ugu horeysay ee laqabto ayaa muujinaysa doorka sii kordhaya ee ay Dalka ku leedahay doodaha iyo go’aan qaadashada la xiriira Maamulka Caqliga Macmalka ah (AI), iyadoo Dowladda ay xoojinayso ka qaybgalkeeda wada-hadallada Caalamiga ah ee lagu dejinayo mustaqbalka Tiknoolajiyadda iyo maamulkeeda.

