Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee XJFS ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda  Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Dalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah, waxaa sidoo kale  kulanka goobjoog  ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliya Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga istiraatiijiga ah, iyo fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.