Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo kormeeray garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda ayaa kormeeray garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Wasiir Maxamed Barre iyo masuuliyiinta wasaaradda ee la socday oo ay weheliyaan Injineero indho indhayn ku samaynaya sida loo horumarin karo garoomada ayaa booqdeen  Muqdisho Stadium,  Injineer Yiriisow, iyo Wiish.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa qiimayn guud iyo sidii loo dayactiri lahaa garoomada iyadoo qorshaha horumarinta xukuumadda ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ugu jiraan horumarinta garoomada dalka.

bilaha hore ee sanadkan ayaa la filayaa in la qabto tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada iyadoo sanadkan lagu soo kordhiyay ciyaaraha kubadda kolayga.