Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS ayaa kulan la qaatay Safiirka Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka XFS mudane, Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan la yeeshay  safiirka dowladda Sweden u fadhiya dalkeenna Ambassador; Per Lindgarde.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha hor-tabinta u leh Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo ay ugu horreeyaan Dowlad-Wanaagga, dhammeystirka geeddi socodka dastuurka iyo garsoorka.