Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar, oo tixraacaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan dib-u-habaynta Maamulka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda iyo hirgelinta hannaanka tartanka furan ee ku salaysan Aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqsiga, ayaa faray Hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda in aan la qaadin wax tallaabo Maamul, xil-ka-qaadis, beddelid, wareejin ama magacaabis cusub oo carqaladayn karta hannaanka dib-u-habaynta Shaqaalaha Dowladda.
Wasiirku wuxuu sidoo kale faray Hay’adaha inay ilaaliyaan xaaladda Maamul ee hadda jirta, isla markaana si buuxda u dhaqan-geliyaan amarka inta laga soo saarayo habraacyada iyo jiheynta rasmiga ah ee arrintan khuseeya.

