Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS oo kulan la qaatay kuxigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka MacdantaXFS Mudane Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Iskuduwaha Gargaarka Bini’aadanimada George Conway.

Wasiirka ayaa ergayga kala hadlay arrimaha khuseeya mudnaanta Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta gargaarka bini’aadantinimo Iyo amniga.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta
XFS Mudane Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa la wadaagay ergayga sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya in ay gaarto yoolka saafiga ah 2050 iyada oo isla markaa la horumarinaayo soo saarida shidaalka (hydrocarbon).