Ankara(Wargeyska Dalka)–Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa Isniintii Magaalada Ankara kula kulmay Madaxweynaha Hay’adda Arrimaha Diinta Turkiga ee (Diyanet), Prof. Dr. Safi Arpaguş, si ay uga wada hadlaan ballaarinta Iskaashiga dhinacyada Waxbarashada Islaamka, Awqaafta Samafalka iyo Hay’adaha Diinta.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta dhexe ee Diyanet, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Xiriirka Hay’adaha, oo ay ku jirto taageerada Turkigu ka geysanayo Dhismaha iyo horumarinta Sanduuqa Zakada iyo Nidaamka Waqafka ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa Mashaariic lagu tayeynayo adeegyada Diinta iyo Barnaamijyada wacyigelinta Bulshada.
Wasiir Roobow ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo Diyanet taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Iskaashi dhow uu wax weyn ka tari doono Horumarinta Hay’adaha Diinta ee Dalka iyo dardargelinta qorshayaasha Istaraatiijiga ah ee Wasaaradda.
Prof. Arpaguş ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Diyanet inay ballaariso Iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan taageerada Barnaamijyada mudnaanta u leh Wasaaradda Awqaafta.
Booqashadan ayaa daba-socota kadib markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay 30-kii Luulyo ansixiyeen Hindise-Sharciyeed lagu meelmarinayo heshiis Is-afgarad (MoU) ah oo dhexmaray Diyanet iyo Wasaaradda Awqaafta Soomaaliya. Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in la abuuro qaab-dhismeed rasmi ah oo loogu talagalay Iskaashiga Arrimaha Diinta, Waxbarashada Islaamka iyo dhisidda awoodda Hay’adaha.

