Wasiirka Wasaaradda Awqaafta oo tababar u furay Ducaadda iyo Imaamyada

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho uga furay Ducaadda iyo Imaamyada tababar ku saabsan habka gudbinta farriimaha Wacyigelineed ee la dagaalanka fikirka xagjirka ah.

Tababarkan oo socon doona mudo shan maalin ah ayaa Ducaadda iyo Imaamyadda lagu barayaa xirfadaha la xiriirka fariin gudbinta, istiraatiijiyadda warbaahinta, amnul fikriga iyo taxliilinta fikradaha Khawaarijta.

Wasiir Sh. Mukhtaar oo hadlayay ayaa yiri: “Tababarka aqoon isweydaarsiga ah ee khuburadda nala joogta ay bixinayaan waxaa culimadda lagu barayaa habka ugu haboon ee loo kala dhantaali karo afkaaraha kooxaha Khawaarijta”.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa si rasmi ah ufuray tababarka, isagoo kula dardaarmay Ducaadda iyo Imaamyadda in ay ka faa’iideystaan aqoon isweydaarsiga.