Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa Magaalada Daarusalaam ee Dalka Tansaaniya uga qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Caalamiga ah ee Istaraatiijiyadda Wax-ka-qabashada Cudurrada Aan Faafin ee Daran ee Afrika (ICPPA 2026), kaas oo ay kasoo qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Afrika, Madax ka socotay Hay’adaha Caalamiga ah, Khubaro Caafimaad iyo Daneeyayaal kale.
Intii uu Shirku socday, Wasiirka ayaa ka qayb-qaatay dood cinwaankeedu ahaa “Abaabulka iyo Helitaanka Kharashaadka lagu Taageerayo Cudurrada Aan Faafin ee ka jira Dalalka Nugul iyo Goobaha ay Saameeyeen Xaaladaha Bani’aadannimo”, isagoo soo bandhigay Xaaladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo muhiimadda ay leedahay in la helo Maalgelin waarta iyo Iskaashi Caalami ah si loo xoojiyo Adeegyada la xiriira Cudurrada aan faafin.
Wasiirku waxa uu Carrabka ku adkeeyay in Dalalka wajahaya Xaaladaha nuglaanta iyo Bani’aadannimada ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah si ay ula tacaalaan kororka Cudurrada aan faafin, isla markaana loo xaqiijiyo Adeegyo Caafimaad oo loo siman yahay dhammaan Bulshada.

