Wasiirka warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Hey’adda Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Hey’adda Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya , Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Wakiilka UNDP uga waramay dardar-gelinta hawlaha wacyigelinta ee wasaaraddu waddo gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha bulshada , dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo xasilinta. Wasiirka ayaa intaa ku daray barnaamij hawleedka wasaaradda ee sannadkan ay ka mid yihiin in shacabka si toos ah oo furan looga warbixiyo waxqabdka dowladda, taasina ay xoojineyso daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Wakiilka UNDP Mr Mason, ayaa dhinaciisa bogaadiyay hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Warfaafinta ay waddo ee dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay barnaamijyada UNDP ay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaanna hawlaha wacyigelinta ee wasaaradda ay waddo,isagoo ballanqaadey Wakiilku in UNDP ay kaalinteeda kaga aaddan taageerada Soomaaliya sii xoojineyso.