Baku-Azerbaijan-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Warbaahinta Dalka Azerbaijan Mudane Ahmad Ismayilov, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Labada Dal ee dhinacyada Warbaahinta, Tababarrada Xirfadeed iyo Horumarinta adeegyada baahinta.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa tayada iyo Aqoonta xirfadeed ee hawl-wadeennada Warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Suxufiyiinta, Sawir-qaadayaasha, hawl-wadeennada ka shaqeeya duubista Muuqaalada, Tifaftirayaasha, soo-saarayaasha Barnaamijyada iyo Farsamayaqaanada, iyadoo la isla eegay fursadaha Tababarrada, hagidda Xirfadeed iyo is-weydaarsiga khibradaha.
Sidoo kale, Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay Dijitaaleynta Keydka Taariikhiga ah ee Soomaaliya, si loo ilaaliyo loona casriyeeyo Agabka keydka ah ee Dalka, loona fududeeyo helitaankiisa iyo ka faa’iidaysigiisa.
Qodobada kale ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa helitaanka Qalabka casriga ah ee baahinta iyo xoojinta awoodda wax-soo-saarka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Radio Muqdisho iyo Hay’adaha kale ee Warbaahinta Qaranka, iyadoo la raadinayo fursado iskaashi oo ku saabsan Qalab, khibrad farsamo iyo taageero ay ka qeyb qaadan karaan Hay’adaha ku shaqada leh Warbaahinta ee Dalka Azerbaijan.
Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Azerbaijan Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow.

