Wasiirka warfaafinta XFS oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee golaha sare ee warfaafinta Jamhuuriyadda Masar

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aways Jaamac ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar Karam Gabar.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee xagga warbaahinta, wadashaqeynta iyo iskaashiga warbaahinta Carabta.

Madaxa golaha sare ee warfaafinta dalka Masar Karam Gabar ayaa Wasiirka si gaar ah ugala hadley wadashaqeyn iyo iskaashi dhow oo dhex mara warbaahinta labada dal.

Waxaa kale oo labada dhinac isla garteen muhimadda ay leedahay in warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay door ka qaataan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo tiknoloojiyadda.

Dowladda Masar ayaa horaantii 80-aadka gacan ka geysatey taageerada dhismaha Telefishankii Qaranka ee Soomaaliya.