Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Mukhtaar Maxamed Xasan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud,ataa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelkii, qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Mukhtaar Maxamed Xasan oo muddo ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismail Mukhtaar Cumar Agaasimeyaasha waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi taa lamid ah u diray qoyskii, ehelkii, qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Mukhtaar Maxamed Xasan oo ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Cabdulfitaax Qaasim waxa uu marxuumka Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay,isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyay Cabdisalaan Mukhtaar Maxamed iyo Axmed Mukhtaar Maxamed.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.