Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u Naxariistee Marxuum Saciid Maxamuud Axmed (Saciid SONNA)

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dhambaal  tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Saciid Maxamuud Axmed (Saciid Sonna).

Sidoo kale tacsi taa lamid ah waxaa diraya Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo madaxda Waaxyaha ee Wasaaradda Warfaafinta.

Dhammaan mas’uuliyiinta wasaaradda Iyo howlwdeenada waxay Alle ka baryeen inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, dambigiisana dhaafo, iyagoo sidoo kale qoyskiisa faray samir iyo iimaan.

Marxuumku waxa uu ahaa saxafi iyo masuul sare oo caan ka ahaa warbaahinta Soomaaliya. Waxa uu soo noqday Agaasimihii hore ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA), isaga oo door muuqda ka qaatay hoggaaminta, dib-u-habaynta iyo horumarinta wakaaladda.

Marxuum Saciid Sonna waxaa kale oo uu ka mid ahaa shaqaalihii ugu horreeyay ee lagu aasaasay SONNA, taasoo muujinaysa kaalintiisa taariikhiga ah ee dhismaha warbaahinta qaranka.

Intii uu ku jiray mihnaddiisa saxafinimo, waxa uu si weyn ugu caan baxay falanqaynta arrimaha amniga qaranka ,ka hadalka maslaxadda guud, midnimada iyo xasilloonida dalka, isaga oo raad muuqda ku reebay saxaafadda Soomaaliyeed.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.