Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay shir la xiriira doorka saxaafadda ku leedahay xaqiiqda iyo ka hortagga fariimaha naceybka

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga ugu qeyb-galay shir la xiriira doorka saxaafadda ku leedahay xaqiiqda iyo ka hortagga fariimaha naceybka ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay halkaas.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa khudbadiisa Xoogga ku saaraay xaqiijinta xogta lala wadaagaya bulshada muhiimadda ay leedahay, iyo in laga fogaado wararka horseedi karo naceybka iyo kicinta bulshada, waxuuna warbaahinta ugu baaqay in la adkeeyo doorka xaqiijinta wararka inta  aysan la wadaagin.

Shirka ayaa muddada uu socoday madaxda ka qeybgashay waxa ay isla garteen ka fejignaanta iyo wax ka qabashada hay’addaha warbaahineed qaar ee ka leexday mas’uuliyadii ka saarneed anshaxa saxaafadda, waxaana shirka ku wehliyay siihayaha ergayga joogtada dowladda Soomaaliya u fadhiya ururka OAC mudane Cabdiraxiin Cismaan Cilmi.

Dhanka kale Mudane Daa’uud Aweys ayaa Sacuudiga kula kulmay xoghayaha guud ee dalladda Caalamka Islaamka, isagoo kala hadlay sidii door muhiim uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo sare-u-qaadista tacliinta iyo dhaqanka wanaagsan bulshooyinka calamka Islaamka.