Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, halkaas oo uu kula kulmay Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Al-Cuteybi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Ergada Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada horumarinta warbaahinta, tayeynta iyo tababarrada xirfadlayaasha warbaahinta, xoojinta warbaahinta afka Carabiga, ilaalinta iyo kobcinta dhaqanka, iyo horumarinta dalxiiska.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo soo bandhigay qorshaha Wasaaradda ee lagu casriyeynayo hay’adaha warbaahinta dowladda, kor loogu qaadayo tayada shaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha warbaahinta, iyo sare u qaadista wax-soo-saarka warbaahineed ee ku baxa luqadaha kala duwan, gaar ahaan afka Carabiga, si loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Carabta iyo caalamka.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaraddu ay masuul ka tahay hay’ado muhiim ah oo ay ka mid yihiin Warfaafinta Dowladda, Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka, Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed, Tiyaatarta Qaranka, qeybaha Dhaqanka iyo Dalxiiska, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata gudbinta fariimaha qaranka, horumarinta dhaqanka iyo kobcinta sumcadda Soomaaliya.
Danjire Cabdullaahi Al-Cuteybi ayaa soo dhoweeyey booqashada Wasiirka, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, isla markaana muujiyey diyaar garowga Jaamacadda Carabta ee taageeridda dadaallada lagu horumarinayo warbaahinta, gaar ahaan kor u qaadista awoodda warbaahinta afka Carabiga, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Jaamacadda Carabta, si loo hirgeliyo mashaariic wax ku ool ah oo kor u qaadaya horumarka warbaahinta, dhaqanka iyo is-dhexgalka Soomaaliya iyo dalalka Carabta.










