Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Safiirka JFS ee Azerbaijan oo dhiirigelin ugu tegay xulka qaranka 17-sanno jira

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo uu wehliyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Azerbaijan Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa maanta ka qeybgalay daawashada ciyaartii galabta ay ciyaareen Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 15 sano (U-15), kuwaas oo ka qeybgalaya tartanka FIFA World Cup U-15 ee ka socda dalka Azerbaijan.

Ciyaarta waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta dalka Jabuuti ahna xubin ka tirsan Golaha FIFA iyo mas’uuliyiin kale oo u yimid daawashada ciyaarta iyo dhiirrigelinta ciyaartoyda da’da yar.

Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa dhiirrigeliyay ciyaartoyda da’da yar ee Xulka Qaranka Soomaaliya U-15, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo sida ay dalka ugu matalayaan tartanka caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhiirrigelineysa ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliyeed, iyadoo taageereysa horumarinta ciyaaraha iyo kobcinta hibada dhallinyarada, si ay fursad ugu helaan inay kartidooda ku soo bandhigaan tartamada caalamiga ah, una matalaan dalkooda si sharaf leh.