Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud oo booqday hoyga marxuum Cismaan Buullo ayaa maanta sheegay in ka wasaarad ahaan ay si dhow ula socon doonaan xaaladda carruurta uu ka geeriyooday marxuum Cismaan Buullo.
Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud waxa uu xusay in ay ka shaqeyn doonaan dhowrista taariikhda, hal-abuurka iyo dhaxalka uu Abwaan Cismaan uga tegay ummadda Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta waxa uu marxuumkaasi Ilaah uga baryay in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyo,eheladii uu ka tagayna waxa uu faray samir iyo iimaan.

