Wasiirka Warfaafinta” Shirweynaha Hal-abuurayaasha wuxuu muhiim u yahay dhiirigelinta dhallinyarada”

Screenshot

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo ka qeyb galay shirweynaya hal-abuurayaasha ee wax soo saarka iyo dhaqaale ka sameynta baraha bulshada ayaa sheegay in madashan muhiim u tahay horumarinta hal-abuurka iyo kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in baraha bulshada ay noqdeen aalad saameyn weyn ku leh dhaqaalaha, waxbarashada, dhaqanka iyo sumcadda dadkeenna, sidaas darteedna loo baahan yahay in loo adeegsado si mas’uuliyad ku jirto, iyada oo la ilaalinayo xorriyadda hadalka, qiyamka Bulshada iyo danta qaranka.

Wasiir warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in wasaaradda warfaafinta ay ku guda-jirto diyaarinta sharciyada, siyaasadda, habraacyada iyo xeer-nidaamiyeyaasha ku aaddan isticmaalka baraha bulshada si loo dhiirigeliyo hab wacan u isticmaalka dhallinyarada.

” Wasaaraddu waxay hirgelineysaa istiraatijiyad casriyeysan oo lagu horumarinaayo warbaahinta iyo adeegyada isgaarsiinta bulshada,”.

Bisha soo socota ayuu wasiirku shaaciyay in la qaban doono shirweynaha labaad ee istiraatiijiyada ee xiriirka warbaahinta, kaas oo diiradda lagu saari doono casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudame Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa ugu baaqay hal-abuurayaasha Soomaaliyeed in ay isku dheeli-tiraan soo saarista muuqaal tayo leh oo ilaalinaya dhaqanka, anshaxa iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.