Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta xiriirka taariikhiga ah, walaaltinimada iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan.
Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi ayaa uga mahadceliyay Wasiir Cabdifitaax Qaasim soo dhoweyntiisa diirran, isagoo xusay in Dowladda iyo shacabka Suudaan ay si weyn ugu faraxsan yihiin xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ay la leeyihiin Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa dhankiisa cadeeyay in Soomaaliya iyo Suudaan uu ka dhexeeyo xiriir walaaltinimo oo taariikhi ah, kaas oo ku dhisan is ixtiraam, iskaashi iyo isku duubni.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay mar walba si weyn u qadariyaan taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee shacabka iyo Dowladda Suudaan ay u muujiyeen Soomaaliya.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi ayaa si wadajir ah u booqday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, oo ay ka mid yihiin Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Radio Muqdisho iyo xarunta Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, si loo horumariyo warbaahinta, dhaqanka iyo in la xoojiyo xiriirka








