Wasiirka Warfaafinta oo u amba baxay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha Caalamiga ah ee Wadahadalka Dhaqamada Kala Duwan (7th World Forum on Intercultural Dialogue 2026).

Madashan oo ah madal caalami ah ayaa muhiim u ah xoojinta isfahamka, nabadda, wada noolaanshaha iyo iskaashiga bulshooyinka dhaqamada kala duwan leh, ayaa door weyn ka qaadata dhiirrigelinta wada hadalka, is-ixtiraamka iyo isu soo dhowaanshaha bulshooyinka caalamka.

 

Madasha oo sanadkan qabsoomaysa markii toddobaad, waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin dowladeed, diblomaasiyiin, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah, aqoonyahano iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socda dalal kala duwan.

 

Inta ay madashu socoto, Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo dhaqanka hodanka ah ee ummadda Soomaaliyeed, hiddaha iyo taariikhda dalka iyo qiyamka suubban ee ay bulshada Soomaaliyeed ku faanto, isaga oo sidoo kale iftiimin doona doorka ay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka qaadan karaan xoojinta isfahamka, nabadda iyo wada noolaanshaha bulshooyinka caalamka.