Wasiirka warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Barnaamijkaan oo socday muddo laba sano ah 2023/2024, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, hay’adda Tubsan iyo hay’adda Albany, waxaana lagu tababaray 354 qof oo u badan wariyayaasha ka hawlgalada furimaha dagaalka, hawlwadeenada ka shaqeeya Barnaamijyada la xiriira la dagaalanka Khawaarijta iyo dhiira-galinta isi soo dhiibayaasha, ururrada Haweenka iyo hawlwadeeno ka socday dowlad goboleedyada, waxaana ay tababaradaasi ka kala dhaceen Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in barnaamijkani uu muhiim u yahay dhismaha xirfadda iyo aqoonta hawlwadeenada Warbaahinta iyo hay’adaha ku howlan la dagaalanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo nolol u sameynta dhalinyarada ka soo baxaysa kooxaha Khawaarijta ah.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa bogaadiyay howlwadeenada Hay’adda Albany iyo Macalimiintii la shaqeynayay intii uu socday tababarkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la xoojiyo tababarrada iyo farriimaha wacyigalinta ah ee la xiriira ka hortaga fikirka xagjirka ah, been abuurka Khawaarijta iyo dhiiragalinta dhalinyarada doonaysa in dadkooda ay ka mid noqdaan.

Safiirka ku xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Steven Gillen oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay dedaalada wadajirka ah ee la isaga kaashanayo dhismaha aqoonta howlwadeenada iyo wariyayaasha ka shaqeeya la dagaalanka kooxaha Khawaarija ah iyo fikirkooda qaldan, wuxuuna sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay taageerada qorshaha Soomaaliya ku xoojinayso amnigeeda, kuna ciribtirayso argagixisada Khawaarijta ah.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo agaasimayaal ka soo shaqeeyay intii uu socday barnaamijka iyo qaar ka mid ah howlwadeenadii ka faa’iistay.

Gabogabadii munaasabadda waxaa Shahaado Sharaf lagu guddoonsiiyay Macalimiintii iyo Hay’adda Albanay oo taageeray qabsoomidda tababaraddan socday ku dhowaad muddo labo sano ah.