Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray habraaca xiriirka hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi hal maalin ah oo ku saabsanaa habraaca xiriirka hay’adaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah.

Aqoon-isweydaarsigan waxaa furay Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo dhanka xiriirka iyo warbaahinta u qaabilsan dowladda. Waxaa lagu soo bandhigay tusaalooyin iyo tijaabooyin la xiriira mowduuca aqoon-isweydaarsiga.

Wasiir Daa’uud Aweys oo hadal ka jeediyay xiritaankii aqoon-isweydaarsiga ayaa tilmaamay in dowladdu mudnaan gaar ah siisay mideynta farriimaha ka soo baxaya hay’adaha, si ay u noqdaan kuwo degdeg ah, sugan, isla markaana xambaarsan xogaha ay shacabku sugayaan waqtiga ku habboon, si meesha looga saaro marin-habaabinta iyo been-abuurka ay fidiyaan Khawaarijta iyo kuwa la hal-maala.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay isku xirnaanta sii xoogeysaneysa ee hay’adaha dowladda ee ku aaddan mideynta farriimaha dowladda.

Ugu dambeyn, Wasiir Daa’uud Aweys iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ka qeybgalayaashii aqoon-isweydaarsiga.