Wasiirka Warfaafinta oo Madaxda Jaamacadda Carabta ugu baaqay taageeridda dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Tripoli ee dalka Libya, isagoo khudbaddiisa kaga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabab.

Wasiirka ayaa u sheegay Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta in Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud muhimaddiisa koowaad ay tahay Khawaarijta magaca Diinta Islaamka wasaqeynaya laga ciribtiro dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay uga xoroobaan tacaddiyada ay kala kulmaan arxanlaaweyaashaasi.

“Waxaa dagaalkaasi najaxay ee guulaha laga gaarey ay Soomaaliya ku wajahdey saddex dhinac oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah; milateriga, xanibaadda dhaqaalaha argagixisada iyo dhanka aydoloojiyadda”, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in warbaahinta Soomaaliya ay kaalin buuxda ka qaadaneyso dagaalka dhanka aydoloojiyadda ee argagixisada looga soo horjeedo, waxaana Wasiirku uu intaa ku darey in dunida Carabta ay si weyn saameyn ugu yeelanayaan wararka beenta ah iyo kuwa marin habaabinta oo inta badan ay isticmaalaan kooxaha argagixisada ama kuwa diiddan deganaanshaha, sidaa darteedna loo baahan yahay in waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ay meel uga soo wada jeestaan.

Waxa uu ugu dambeyn Wasiirka ugu baaqey Ururka Jaamacadda Carabta inuu si buuxa u taageero dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Khawaarijta, taas oo ugu dambeyn horseedi karta in Soomaaliya ay si buuxda xasilooni u hesho, caalamkana ay saameyn ku yeelato.

Shirkan Wasiirada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa barbar socday magaalada Tripoli ee dalka Libya oo sannadkan loo aqoonsadey inay tahay caasimadda warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.